U istaag Dadka iyo dalka
BARNAAMIJKA UISTAAG DADKA IYO DALKA MA AHA SIYAASAD QAFNA LAGUMA TAAGEERAAYO QAFNA LAGUMA EEDEYNAYO FADLAN HA U ISTICMAALIN SIYAASAD.

Ujeedada barnaamijka
-
In la mideeyo codka Fikirka iyo dadaalka shacabka Somaaliyeed eey hormuud uyihiin dhalinyaro ee taageeraya in siyaasiyiinta wadanka eey ahmiyadooda koowaad noqoto dhoorida qaranka iyo horumarinta shacabka(DANTA GUUD)
-
In codka Fikirka iyo dadaalka shacabka kor loo qaado si looga hortago bur bur ama xad gudub lagula kacaya Dadka iyo Dalka kaasoo ku saleysan dana qaas ah iyo kuwa kooxeedba
-
In la abuuro Codka Fikirka iyo Dadaalka shacabka lagu diidayo qabyaalada sida qaldan loo isticmaalo, isla xisaabtan la,aanta iyo musuqmaasuqa, dowlada xumida, dimuqraadiyada la,aanta, dhaqaalo la,aanta iyo wax walba eey dhibaateynaya DANTA GUUD
-
In la abuuro isku xernaasho shacabka ee ujeedku yahay DANTA GUUD (dhoorista ayaaha shacabka iyo wadanka)
Hiigsiga la gaarayo:
DHISIDA
DANTA GUUD
Codka Fikirka iyo dadaalka shacabka Somaaliyeed eey hormuud uyihiin dhalinyaro ee marwalba lagu taageeraya in siyaasiyiinta wadanka eey ahmiyadooda koowaad noqoto dhoorida qaranka iyo horumarinta shacabka(DANTA GUUD)
Joojinta Danaha qaaska ah
Codka Fikirka iyo dadaalka shacabka ee gaaray awood buuxda uu kaga hortagi kara bur bur ama xad gudub lagula kacaya Dadka iyo Dalka kaasoo ku saleysan dana qaas ah iyo kuwa kooxeedba
Isku xernaanshaha shacabka
abuurista isku xernaasho shacabka ee joogta ah ee ujeedku yahay DANTA GUUD (dhoorista ayaaha shacabka iyo wadanka)
Joojinta qabyaalada, isla xisaabtan la,aanta, musuqmaasuqa, dowlad xumida, dimuqraadiyad la,aanta, dhaqaalo xumida:
Codka Fikirka iyo Dadaalka shacabka lagu diidayo qabyaalada sida qaldan loo isticmaalo, isla xisaabtan la,aanta iyo musuqmaasuqa, dowlada xumida, dimuqraadiyada la,aanta, dhaqaalo la,aanta iyo wax walba eey dhibaateynaya DANTA GUUD
